Tirada dad ku dhintay qarax ka dhacay Afgooye oo kordhay.

Tirada dad ku dhintay qarax ka dhacay Afgooye oo kordhay.

Afgooye (Raxanreeb )- Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose wararka caawa laga helayo ayaa sheegaya in halkaas ay ka socdaan howlgal lagu sugayo amniga degmada.

Howlgalkan ayaa ka danbeeyay ka dib markii maanta uu  halkaas dhacay qarax waxyeelo  u gaystay dad shacab ah  iyo askar ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Qaraxa waxaa ku dhintay lix askari iyo qof shacab ah kuwaas oo qaarkood xaaladooda ay aad u liidato sida ay sheegeen dhaqaatiirta  ku howlan

Waxaa la sheegay in qaraxan lala eegtay ,  bar kantarool oo ciidanka Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxan uu ahaa miino la dhigay goob ay ku sugnayeen ciidanka dowladda kuwaas oo qaraxa lala eegtay.

Xaalada ayaa hadda ah mid degan waxaana socda sida saraakiishu ay sheegeen howlgal amniga ay ku sugayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.