Nabadoon diiday in Puntland ka madaxbanaanto Federaalka oo soo qabasho loo jaray

Nabadoon diiday in Puntland ka madaxbanaanto Federaalka oo soo qabasho loo jaray

Boosaaso (Raxanreeb )- Maxkamada darajada 1aad ee Gobolka Bari Boosaaso ayaa waaran xarig ah u jartay Nabadoon Cabdiqaadir Xarago iyo 3 nabadoon oo kale kuwaas oo lagu eedeeyay qodobada 454-451, 164-168 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari ayaa lagu amray in uu soo xiro odayaasha, sidoo kalena la horkeeno maxkamada.

Nabadoon Xarago iyo odayaasha kale ee waaranka loo jaray ayaan weli ka jawaabin eedaynta loosoo jeediyay, iyo waaranka loosoo jaray labadaba.

Kiiska odayaasha dhaqanka loo haysto ayaa la xariira hadal ay dhawaan jeediyeen kaas oo ay ku taageereen DFS, Sidoo kalena uga soo horjeesteen shirarka iyo heshiisyada dawlada Puntland la gashay dalka Ethopia.

Ciidamo raadinaya Nabadoon Xarago ayaa caawa gurigiisa tagay dhawr jeer sidda ilo-xog ogaal ah xaqiijiyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.