NISA oo howlgallo ku dishay xubno ka tirsan Al-Shabaab

NISA oo howlgallo ku dishay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, iyo saaxiibbada caalamiga ah, ayaa howlgallo ay ka fuliyeen qeybo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan ayaa ka dhacay degmada Mahadaay ee maamulka Hirshabeelle, kuwaas oo lagu beegsaday xubo ka tirsan Al-Shabaab, oo ku sugnaa deegaanka Fiidoow oo hoostaga degmada Mahadaay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo soo saartay warsaxaafadeed ku sheegtay in howlgalkaasi, lagu dilay 7 ka tirsan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

“Todobo dhagar qabe oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ay ka fuliyeen deegaanka fiidow oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay DF.

“Dhagar qabayaasha lagu dilay howlgalkaan ayaa waxaa ka mid ahaa Saddex horjooge oo kala ahaa” ayaa lagu yiri qoraalka.

  1. Cabdiraxmaan Dheere oo hadda khawaarijta u qaabilsanaa weerarada gaadmada ah ee kooxdu ka gaysato gobolka Shabeellaha Dhexe.
  2. Mucaad horjooge, oo asna ka tirsanaa isla qaybta weerarada Khawaarijta ay ka gaystaan gobalka Shabeellaha Dhexe.
  3. Horjooge Cabdirisaaq Muuse Khaliif oo ahaa ku xigeenka Horjoogaha baadda iyo boobka shacabka ee ay ugu yerraan Sakawaadka.

Sidoo kale weli waxaa socda howlgalkan lagu xaqiijnayo amniga deegaanadaasi kaas oo ka socda howdka degmada Mahadaay, Hirshabeelle, ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa ka mid ah, meelaha Al-Shabaab, lagu xasuuqay wojigii koowaad, kaas oo ka billowday markii hore dadka deegaanka iyo Al-Shabaab, walow markii danbe ciidamada Dowladda ay toos u galeen dagaalkaasi.

Al-Shabaab, ayaa laga saaray deegaannada ay maamusho Hirshabeelle, intooda badan halkaasi oo jab xooggan lagu gaarsiiyay walow ay harsanyihiin meel badan oo weli ay maamulaan kooxda.