5- qof oo ku geeriyootay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Sanaag

Laascanood (Raxanreeb ) RBC wararka caawa oo Axad ah uu ka helayo degaanka Milxo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxan uu caawa ka dhacay goob maqaaxi oo ay ku shaahaynayeen dadka deegaanka.

Inta la xaqiiniyay 5 qof ayaa ku dhimatay tiro intaas ka badana waa ku dhaawacmatay qaraxa ka dhacay tuulada Milxo oo ku taalla buuraleyda Calmdaow ee gobolka Sanaag.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in qof isku soo xiray walxaha qarxa uu beegsaday dad fadhiyay maqaaxi lagu caweeyo oo ku taala deegaanka Milxo.

inta badan isgaarsiinta deegaankaas ayaa ah mid aan la heli karin sida ay sheegeen dadka degaanka Milxa ee gobolka Sanaag.

Deegaanka Qaraxa uu ka dhacay ayaa mararka qaar la sheegaa in ay ka dhacaan shaqaaqooyin la xiriira qodista dahabka, sidoo kale waxaa deegaankaas saameyn ku leh Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.