WARCUSUB : Gabar la sheegay in lagu gowracay  magaalada Garoowe .

WARCUSUB : Gabar la sheegay in lagu gowracay  magaalada Garoowe .

Garoowe (Raxanreeb ) – Wararka ka imaanaya magaalada Garowe  ee xarunta maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in halkaas si xun oo naxariis darra ah loogu dilay gabar ka mid ah dadka deegaanka.

Sida wararka la helayo ay sheegayaan gabadhan ayaa la sheegay in la gowracay , taas oo argagax ku abuurtay dadka magaalada ku nool.

Gabadha ayaa la sheegay inay ku soo dhacday goob aan ka fogayn xaafaddooda iyadoo aad u dhiig baxaysa isla markaana ay ka muuqdaan dhaawacyo culculus oo laga gaarsiiyey jirkeeda.

Sida wararku ay sheegayaan gabadhan ayaa deganayd , Xaafadda Horseed ee Magaalada Garoowe gaar ahaan agagaarka Qabuurihii Hore ee Siligga ee magaalada Garoowe.

Goobta ay wax ka dhaceen waxaa gaaray ciidanka amniga kuwaas oo sheegay in ay wadaan baaritaan arrintan ku saabsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.