Maxkamadda sare ee dalka Sri Lanka ayaa ku amartay madaxweynihii hore Maithripala Sirisena iyo afar sarkaal oo hore inay magdhow siiyaan dadkii ku dhintay weerarradii Easter-ka ee 2019-kii.
Day: January 12, 2023
Sawirro: Kacdoonka shacabka Muqdisho oo si rasmi ah u billowday maanta
Banaanbax billow ah “Kacdoonka Shacabka Muqdisho” ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo uu iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhacay garoonka kubadda cagta Injineer Yariisow ee magaalada caasimada ah.
Sarkaal ciidan oo dil loogu xukumay inuu fududeeyey qaraxyo
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ku xukuntay Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka, kaasi oo lagu helay dambi ah inuu ku lug yeeshay qaraxyo iyo dilal ay fuliyeen kooxda Al-Shabaab.
Kenya oo xafiis cusub oo siyaasadeed ka furaneysa Somaliland
Kenya ayaa lagu wadaa inay dhawaan furtaan 7 Xafiisyo Cusub ee Ergada Diplomaasiyadeed , taasi oo qeyb ka ah Dib-u-habayntii u dambaysay ee Dowladda Madaxweyne William Ruto.
Wasaaradda Caafimaadka oo mamnuucday isticmaalka labo sharoobo
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Dareyeelka Bulshada JFS Qeybteeda Maareynta Daawada ayaa digniin ay soo saartay uga digtay Bulshada Soomaaliyeed adeegsiga laba sharoobood kuwaas oo loo adeegsada xanuunnada ku dhaca Neefmareenka.