Raxanreeb ( Boosaaso ) Gudoomiyaha gobolka Barri ayaa xayiraad ku soo rogay Hotelada magaalada Bosaaso in lagu qaban wax shirar ah oo aan la soo ogeysiin. Xanibaadaan ayaa imaanaysa xilli lagu balansan yahay in is diiwaangalin ka dhacdo 5 bishan, iyadoo lagu qaban rabo gobolada Barri, Gardafu iyo qaybo kamid ah gobolka Karkaar. Ururada siyaasada...
Day: January 3, 2023
Guddoomiye Aadan Madoobe oo Guddi u magacaabay arrinta Laascaanood
Magaalada Laascaanood waxaa ka dhacay dibadbaxyo shacabka Magaaladaas ay ka sameeyeen dilal loo geystay qaar kamid ah Dadka haldoorka u ah, Ciidamada Somaliland oo isku dayay in ay kala eryaan dibadbaxayaasha ayay foodda is dareen waxaana halkaas ka billawday rabshado sababay dhimashada in ka badan 20 ruux oo shacab u badan & dhaawaca Tiro kale.
Baarlamaanna Yurub oo xasaanadda ka qaaday labo xildhibaan
Madaxweynaha Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa bilaabay hanaan degdeg ah oo la doonayo in xasaanadda lagaga xayuubiyo laba mudane oo ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub, ka dib codsi uga yimi hay’adaha garsoorka ee dalka Belgium, kuwaas oo baadhaya fadeexad weyn oo musuqmaasuq oo ruxday Midawga Yurub.
Dagaal adag oo saqdii dhexe xalay ka dhacay Laascaanood
Xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa weli kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in xalay saq-dhexe dagaal culus oo ka dhacay bartamaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.
Wasiirka maaliyadda DF oo sheegay Inay Soomaaliya qaadatay deyn cusub
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur ayaa markii ugu horeysay ka soo jawaabay warbixintii sanadlaha aheyd ee hantidhawraha guud ee qaranka, taas oo inteeda badan quseysay wasaaradda maaliyadda.
Philippine: ’51’ qof oo ku dhintay daadad xoogleh oo ku dhuftay dalkaas
Kumanaan qof oo u dhashay dalka Philippine ayaa ku nool goobo loo asteeyey 'in la dego xilliga ay jiraan xaaladaha degdegga ahi', ka dib markii ay dalkaas ku dhufteen daadad aad u xoog badan, waxaana sii kordhaysa tirada dhimashada.