Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo barbar taagan yihiin Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiiru-dowlaha Amniga ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo ugu warbixiyay halka uu marayo dagaalka dhaqaale ee Al-Shabaab ka dhanka ah.
Day: January 14, 2023
DABAGAL : khasaaraha ka dhashay qaraxyo ka dhacay Buulaburde & Jalalaqsi.
Buulaburde ( Raxanreeb ) Wararka naga soo garaya gobolka Hiiran ayaa sheegaya in hal qof uu ku geeriyooday 4 kalane wey ku dhawacmeen kadib labo qarax oo ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Goobjooga ku sugan Jalalaqsi ayaa sheegay in qaraxa hore uu ka dhacay barkoontorool oo ku taal afaafka hore ee buundada Jalalaqsi,...
DENI oo magacaabay Guddiga diyaarinta wada- xaajoodka Arrimaha Federaalka dalka.
Garoowe ( Raxanreeb ) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 002 ee 14-ka January 2023, kuna saabsan magacaabid Guddiga Diyaarinta Wada xaajoodka Arrimaha Federaaleynta Dalka.Madaxweynaha Dowladda PuntlandMarkuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Baahida loo qabo in la xoojiyo diyaar garowga wada xaajoodka arrimaha Federaalaynta Dalka.Markuu arkay: Go’aankii...
DEGDEG: Qaraxyo is xig xigay ayaa ka kala dhacay degmooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi.
Buulaburde ( Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhaceen qaraxyo waa wayn oo is xig xiga. Laba qarax ayaa laga maqlay goor dhaw degmooyinka Jalalaqsi iyo Buuleburde ee gobolka hiraan sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka oo nala hadlay. Ilaa iyo hada lama ago qasaraha ka...
Booliska Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyay Muqdisho kusoo qabtay 4 nin
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo sidoo kale duleedkeeda, kuwaas oo lagu soo qabtay 4 nin.
Sarkaal dagaal adag la – galay Al- Shabaab oo Muqdisho lagu dilay
Muqdisho (Raxanreeb ) Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo sabti ah waxa magaalada Muqdisho koox hubaysan ay ku toogteen sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka kaas oo dhawaab ka yimid Hiiraan. Sarkaalkan ayaa lagu magaacabi jiray Maxamed Muumin Cilmi (Saney) waxaana lagu xusuusta dagaal adag oo bilooyin socday oo gobolka Hiiraan uu kula galay kooxda Al-...
Xukuumadda Soomaliya ‘’ In ka badan 250 Akoon ayaa xirnay ‘’
Muqdisho (Raxanreeb ) Shirjaraa’id ee maanta oo sabti ah magaalada Muqdisho uu ku qabtay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayuu ka kaga hadlay howlgalada Dowladda ee ka socda gobolada dalka. Wasiir kux xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al- Cadala ayaa maanta warfidiyeenka u sheegay in ay xiray 250- Akoon iyo 70-Numbar oo Alshabaab lacagaha loogu dirijiray. Waxa uu...
Madaxwaynaha Galmudug iyo sida uu uga hadlay la wareegida Ceelhuur.
dhuusmareeb (Raxanreeb ) Dowladda Galmudug waxay bogaadineysaa howlgalka ciidamada qalabka sida, Daraawiishta Galmudug iyo ciidanka kacdoonka dib u xoreynta ay ku xoreeyeen deegaanka Ceelhuur. howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah Maanta u fuliyeen ciidanka qalabka sida, Daraawishta Galmudug iyo ciidamada Kacdoonka shacabka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay deeganka Ceelhuur ee Gobolka...
Iran oo dal-dashay wasiir ku xigeenkii hore ee gaashaandhigga
Warbaahinta Iran ayaa ku warrantay in Alireza Akbari oo u dhashay dalkaas heystana dhalashada Britain ayaa la dal-dalay kadib markii lagu eedeeyay in uu u basaasayay Britain.
Kenya oo beenisay in ay safaarad ka furaneyso Somaliland
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya ayaa beenisay warar la isla dhexmarayay baraha bulshada kaasoo ahaa in ay safaarad ka furan rabto Hargeysa Somaliland.