Day: January 6, 2023

Home » Archives for January 6, 2023
Post

Al- Shabaab markasta tab cusub ayay la yimaadaan Maxaa sabab u ah ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Kooxda Al- Shabaab ayaa goor sii horeysay oo maanta oo Jimca ah waxa ay weerar dad badan ay ku dhinteen ay ka gaysteen deegaanka Hiliowle- Gaab oo hoos taga  degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarkan oo dhacay saaladii subax ka dib  ayaa la sheegay inuu yahay kii labaad oo Al- Shabaab...

Post

Guudlaawe ‘’ Waan ka aarsan doonaa Argagaxisadda ‘’

Jowhar (Raxanreeb ) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida ciidamadii iyo saraakiishii saaka ku shahiiday weerarkii ay khawaarijtu kusoo qaaday deegaanka Hilowle gaab ee hoos yimaada degmada Ruunirgood. Madaxweynaha ayaa xusay in kooxda khawaarijta alshabaab oo saaka weeraro ku biloowday qaraxyo...

Post

Laftgareen &  Guddiga dib u heshiisiinta KGS oo wada- hadal u furmay

Baydhabo ( Raxanreeb ) Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay maanta oo Jimca ah waxaa gaaray xubno ka mid ah Guddiga  dib u heshiisiinta ee uu  magacaabay Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya. Guddigan ayaa u jeedkooda ah sidii ay  meel isugu keeni lahayeen maamulka Madaxwayne cabdicasiis Laftagareen iyo xubnaha mucaaradka kuwaas oo diidan in xukunka uu sii joogo...

Post

Xasan Sheekh ‘’ Waxa jira rag ka tirsan Al- Shabaab oo qabiil lagu difaaco ‘’                                         

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo salaadda Jimcada kula oogay Madaxda dalka, Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka ayaa ka hadlay halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Khawaarijta, amniga, ilaalinta xasilloonida iyo arrimaha ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool. Madaxweynaha ayaa baaq nabadeed u jeediyey dhinacyada arrinta ka taagan Laascaanood. “Way na dhibaysaa dilka...

Post

Somaliland oo ciidamo gaysay duleedka Laascanood & dadka oo heegan ku jira

Laascanood (Raxanreeb ) Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in ciidamo fara badan ay soo dhoobtay meel kaabiga ku haysa magaalada Laascanood ee gobolka Sool , halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ka taagnayd  kacdoon shacab. Goobjoogayaal ku sugan magaalada Laascanood ayaa sheegaya in  in ciidankan saacadihii la soo dhaafay ay wadeen dhaq-dhaaq ciidan oo...