90 qof oo ku dhintay dab ka kacay kaymaha gobolka Hawaii ee Mareykanka

90 qof oo ku dhintay dab ka kacay kaymaha  gobolka Hawaii ee Mareykanka

NewYork (Raxanreeb ) Ugu yaraan 89 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dabka ka kacay Maui ee dalka Mareykanka. Barasaabka gobolka Hawaii Josh Green ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay kordhi karto.

Burbur baaxad leh ayaa gaaray dhismayaal deegaanka ku yaala, iyadoo gawaari badan ay dhalaaleen kaddib markii uu dab qabsaday.

Qiimaha dib loogu dhisi karo magaalada Lahaina oo ah magaalo dabku baabi’iyay ayaa lagu qiyaasay $5.5 bilyan, waxa burburay kaabayaal dhaqaale oo gaaraya 2,200, iyadoo dhul beereed gaaraya 850 hiktar uu gubtay.

Gudoomiyaha Gobolka Hawaii ee dalka Maraykanka Josh Green oo shir jaraa’id qabtay Sabtidii ayaa ka digay in tirada dhimashadu sii kordhi doonto, iyadoo maydad hor leh la helayo.

Eeyaha loo tababaray urinta maydadka ayaa kaliya baaris ka sameeyay boqolkiiba sedex dhulka baaba’ay sida uu sheegay madaxa booliska ee magaalada Maui John Pelletier.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa amar ku bixiyay “in la adeegsado dhammaan agabka federaalka ee lagula tacaalayo dabka” si loo caawiyo Hawaii.

Dabka ka dhacay galbeedka Maui ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa taariikhda Maraykanka muddo 100 sano ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.