DHACDO NAXDIN LEH: Haweeneey dishay Wiil Gabadheeda qabay

DHACDO NAXDIN LEH: Haweeneey dishay Wiil Gabadheeda qabay

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen, kaddib markii haweeneyn magaaladaasi kunool dil u geesatay wiil dhallinyaro ah oo la sheegay in ay u aheyd sodoh uuna qabay gabar iyada ay dhashay.

Haweeneyda dilka geesatay ayaa la sheegay in ay kamid aheyd ganacsatada hilibka iibiya, waxa ayna diilka wiilka gabadheeda qabay oo lagu magacaabayay Maxamed Cabdi u adeegsaday toorey ama mindi ay ku qali jirtay xoolaha .

Sida aan wararka ku helnay haweeneyda dilka geesatay ayaa muran kala dhaxeeyay wiilka ay sodohda u aheyd, waxaana la sheegay in ay ka codsatay in gabadheeda u furo balse uu ka biyo diiday, waxaana haweeneyda iyo wiilka ay dishay la sheegay in ay yihiin jufo hoose.

Haweeneydan oo mindi wadatay ayaa wiilka gabadheeda qabay ku weeraratay goob suuq ah kuna dishay, ciidamada ammaanka ayaana ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan haweeneyda gacankudhiiglaha ah oo isku dayeesay in ay baxsato.

Leave a Reply

Your email address will not be published.