Baydhabo ( Raxanreeb Online) Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey Shirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dardargelinta howlaha lagu sugayo nabadgelyada shacabka. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga iyo saraakiisha ciidamada kala duwan, kuwaas oo...
Day: June 13, 2026
Waqtiga la dooran doono Guddoonka goleyaasha deegaanka gobolka Banaadir oo la shaaciyay
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in 5 July 2026 la qaban doono doorashada Guddoonka goleyaasha deegaanka ee gobolka Banaadir. Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu faray Ururada siyaasadda ee qeybta ka noqday doorashada goleyaasha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir, lagu wargeliyay in ay u diyaar garoobaan doorashada maadama lagu...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo weerar afka ah ku qaaday Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre
Muqdisho( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo wareysi gaar ah siinayay Dawan Tv, ayaa weerar afka ah ku qaaday Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in deegaanka uu kasoo jeedo Ra’iisul wasaare Kheyre ay heysato kooxda Al-shabaab, waligiisna aan la arkin asiga oo taagan wadada oo...
MW Xasan Sheekh oo saraakiisha ciidamada kala hadlay dagaal ka dhan ah kooxda AS
Jowhar ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jowhar ee Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle kulamo muhiim ah kula qaatay, saraakiisha hay’adaha ammaanka si loo xoojiyo amniga iyo dardargelinta wada shaqeynta bulshada iyo laamaha ammaanka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan deegaanada Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle ka dhageystay...
Iran oo sheegtay inay suura-gal tahay in heshiiska socda inuu furo marinka Hormuz
Tehran ( Raxanreeb Online) Heshiis lala galo Mareykanka si loo soo afjaro dagaalka ka socda Iiraan ayaa aad ugu dhow in la gaaro, waxaana ka mid ah dib u furista Marinka Hormuz, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan. Seyed Abbas Araghchi ayaa u sheegay telefishinka dowladda in heshiiska uu sidoo kale ku jiro...
Madaxweyne Xasan ” mar walba albaabada wada-hadalka dowladda wey u furan yihiin mucaaradka”
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay mar walbo diyaar u tahay wada-hadalka kasta oo xal looga gaarayo khilaafka kala dhaxeeya mucaaradka, waxa uuna carabka ku dhuftay in albaabka wada-hadalka uu mar walba furan yahay. Madaxweyne Xasan, ayaa tilmaamay in beesha Caalamka ay mar walba Soomaaliya la...





