Maamulka Somaliland ee magaalada Ceerigaabo ayaa xalay guryahooda kala baxay rag gaadhaya 40 kuwas oo iyaga ushaqeynayay kana soo jeeda beelaha Harti ee dega magaalada Ceerigaabo.
Liiska ragga an helnay magacyadooda ee hada Xabsiga kujira ayaa waxaa kamida.
Taliyahii Turubitaariyada Gobolka Sanaag Gaashanle Dhexe:- Maxamed Cali Xaaji Ciise,
Taliye xigeenkii Police Gaashanle Dhexe:- Maxamud Cali Geeldhalaa.
Taliye ku xigeenka Saldhiga Dhexe ee Ceerigaabo Maxamuud Cabdi Cade .
Kaaliyaha Maxkamadda degmadda:- Abdalle Xasan Gidaar.
Kaaliyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka:- Fahad
Dablayaal Police sida Ibraahim Salah, Said Kalarare
Shaqaale dawladeed oo Gamaal Faandhe.
Ragaan an xusnay iyo kuwa kale ayaa jidh dil loogu geystay Xabsiga xalay iyo saakay.
Leave a Reply