Wasiirka arrimaha dibadda ee XFS oo warqadaha aqoonsiga ka gadoomay safiirka cusub ee UK

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta ayaa ka gadoomay  nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Boqortooyada Midowday (UK), Charles King.

Wasiirka ayaa soo dhoweeyay Safiirka, isaga oo u rajeeyay inuu ku guulaysto howsha diblomaasiyadeed ee loo igmaday, carabaabayna rajada uu ka qabo inuu xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.

Sidoo kale safiirka cusub ee boqortooyada UK, ayaa ballan qaaday inuu ka shaqeeyn doono sidii uu u xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.