Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo cusub oo ku aadan in ay dib u furtay waddooyinkii xirnaa caasimada in ka badan dhowr iyo toban sanno.
In Dib loo furmo waddooyinkan oo gaaraya 52, ayaa timid kaddib markii dowladda ay adkeeysay amniga caasimada Muqdisho, kaddib howlgallo adag oo ay fuliyeen hay’adaha amniga dowladda.
Daaf-furka waddooyinka, waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, wasiirka amniga gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ( Fartaag), duqa Muqdisho Muungaab iyo taliyeyaasha nabad sugida iyo booliska iyo mas’uuliyiin kale.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo ka hadlay furitaanka waddooyinka, ayaa sheegay in amniga Muqdisho uu soo maray marxalado kala duwan, balse hadda uu yahay mid laisku haleen karo.
Ra’iisul wasaaraha oo sii hadlayay, ayaa carabka ku adkeeyey in waddooyinkan la furay maanta ay hordhac u yihiin, kuwa maalmaha soo socda la furi doono.
Sidoo kale Duqa Muqdisho Muungaab, ayaa sheegay in dhagaxaanta ku xiran jidadka ay suurad xumeyeen bilicda caasimada, waxa uuna hoosta ka xariiqay in uu yaraan doono cariiriga ka jira waddooyinka muhiimka ah ee magaalada.
“Dhagaxantii taalay Muqdisho waxa ay lid ku ahayeen bilicda Caasimada, waxaana Shacabka Caasimada ugu baaqayaa in amniga aan heysano ilaashano” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.
Sikastaba, in la furo wadooyinkan ayaa ka dhigay in laga gaaray amni darradii ka jirtay sannado badan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Leave a Reply