New York ( Raxanreeb Online) Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, ayaa sheegay in Shiinaha iyo Mareykanka ay ka wada hadleen qorshe lagu dhisayo nidaam digniin-wadaag ah oo ku saabsan sirdoonka macmalka ah (AI).
Bessent ayaa sheegay in sida uu dhigayo qorshahan, labada dal ay midba midka kale ogeysiin karaan marka ay dhacaan arrimo ama shilal la xiriira AI oo khatar ku ah amniga qarankooda.
Wuxuu hadalkan sheegay kaddib kulan uu magaalada New York kula yeeshay Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Shiinaha, He Lifeng.
Wadahadalladan ayaa gogol xaar u noqday kulanka toddobaadka soo socda ee madaxweynayaasha Mareykanka iyo Shiinaha oo ka dhici doona Aqalka Cad.
Shiinaha kama soo saarin wax bayaan ah arrintan, hase yeeshee Madaxweyne Xi Jinping ayaa hore ugu baaqay in la sameeyo hannaan caalami ah oo lagu maamulo loogana hago sirdoonka macmalka ah.

Leave a Reply