Madaxweyne Xasan Sheekh oo u safray dalka Mareykanka

New York ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa manta u safray magaalada New York, halkaasi uu kaga qeyb gali doono shirka golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Berri furmi doona.

Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doono fadhiga golaha Qaramada Midoobay, isaga oo sidoo kale ka qeyb gali doona kulamada doodaha ee kulanka.

Khudbadda Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ka jeedin doonno meertada 81aad ee Qaramada Midoobay waxa uu uga hadlayaa xaaladda uu dalka ku sugan yahay gaar ahaan Amniga, Siyaasadda iyo taageerista ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa la kulmi doono madaxda ka qeyb galeysa kulanka, isaga oona kala hadli doono sidii ay taageero adag u siin la hayeen dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.