Warsheekh ( Raxanreeb ) Xiisad ayaa lagu soo waramayaa in maanta oo Axad ah ay ka taagan tahay isbitaalka Degmada Warsheekh halkaas oo ay gudaha u galeen ciidamo hubeysan. warqad kasoo baxday maamulka degmada Warsheekh ayaa lagu sheegay in lagu joojiyay howliihii adeega caafimaadka ee isbitaalka uu u hayay bulshada degmada. khilaaf mudo soo taagnaa...
Riyadha ” Dowladda Soomaaliya gacab baa ka siinaynaa la dagaalanka Al- Shabaab”
Riyadh (Raxanreeb ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdicasiis. Amiir Maxamed Binu Salmaan ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada xoogga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed...
Qarax lala eegtay masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle & khasaaraha ka dhashay.
Jowhar ( Raxanreeb ) Wararka ka imanaaya gobolka shabeellaha dhexe gaar ahaan duleedka magalaada Jowhar ayaa sheegaya in masuulyiin ka tirsan maamulka Gobolkaas qarax lagu eegtay Wararka waxaa ay sheegayaan in uu haleelay gaari uu la socday maareeye ku-xigeenka Airporka Jowhar iyo taliyaha saldhiga Degmada jowhar. Sida ay ku waramayaan dadka degaanka waxaa jira khasaaro...
Nin u aargudayay ‘sawir gacmeedyadii laga sameeyay Nebiga’ oo la xukumay
Maxkamad ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa nin u dhashay dalka Mauritania ku soo oogtay in uu ka dambeeyay dambiyo la xiriira weerarro argagixiso oo saddex ahaa oo ka dhan ah reer galbeedka oo ka dhacay Mali sanadkii 2015.
Muxuu yahay shirka DF ay uga qeybgaleyso Angola
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa Magaalada Luanda ee caasimadda dalka Angola kaga qayb galaya Shir Madaxeedka 10-aad ee dalalka Afrika, Kareebiyaanka & Baasifiga (OACPS).
Soomaali afduub loogu geystay Konfur Afrika
Kooxo Burcad ah oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa meelo kamid ah dalka Koonfur Afrika waxa ay ka billaabeen afduub dadka ka kala soo jeeda Soomaaliya iyo Itoobiya si ay uga qaataan lacago madax furasho ah.
Laftagareen oo gaaray Baydhabo kaddib socdaal uu ku joogay Garowe
Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee Dowlad Gobaleedkaas.
Muqdisho: Kulankii Golaha Shacabka ayaa Maanta u baaqday kooram la’aan.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Kulankeenii Baarlamaanka ee maanta ayaa u baaqday Kooram la’aan sida ay sheegeen xubno ka tirsan Golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulanka waxaa shir guddoomin lahayd Sacdiyo Yaasiin , maadama Guddoomiyaha Barlamaanka uu yahay ku simaha Madaxwaynaha. Qoraal loo diray xubnaha Golaha shacabka ayaa lagu wargaliyay xildhibaanada maat soo xaadiraan kulanka...
Howlgallo ka dhacay Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay xubno katirsan Al-Shabaab
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay howlgallo ka fuliyeen gobolkaasi, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Canada oo qiimaha Maciishadda kordhineysa sannadka 2023
Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday in ay kordhineyso qiimaha maciishadda dulsaaran iyada oo gaarsiineysa 7% (Boqolkiiba Todobo) lacagaha Dowladda ay ka qaado sida lagu sheegay war kasoo baxay Dowladdaas.