Boosaaso (Raxanreeb ) Shil gaari oo sababay khasaare kala duwan ayaa aroornimadii hore ee saaka ka dhacay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari. Shilka oo dhacay Agagarka cisbitaalka weyn ee magaalada ayaa ka dhashay laba gaari oo isku dhacay. Labada gaari oo kala ahaa nooca loo yaqaan Noha iyo gaari Bas ah oo siday arday...
Dagaal ay ka qayb galeen diyaarado dagaal oo ka dhacay deegaan hoos yimaad Aadan yabaal.
Jowhar (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa lagu soo waramayaa in iska hor imaad ku dhaxmaray degaanka Guulane ee degmada Aadan yabaal Gobolka Shabeellaha Dhexe Dagaalkan ayaa ka danbeeyay ka dib markii ciidanka Dowladda iyo kuwa deeganka weerar ay ku qaadeen degaanka Guulane oo ay ku sugnayeen kooxda Al- Shabaab. Waxaa...
Guddoomiye Aadan Madoobe ‘’Amniga caasimadda jawaab waa in laga bixiyaa‘’
Muqdisho (Raxanreeb ) Gudoomiyaha golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in jawaab deg deg ah laga bixiyo xaaladda amni ee ka sii daraysa ee magaalada Muqdisho. Gudoomiye Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in ay jirto cabasho dadka magaalada Muqdisho ay ka qabaan ammaanka ka dib dilal qorshaysan iyo...
Safarka Deni ee Muqdisho & Khilaafka jira ee DFS & Puntland.
Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo – gaaro Madaxwaynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in Saciid Deni uu ku casuumay magaalada Muqdisho . Sida qorshaha uu ahaa Madaxwaynaha Puntland ayaa lagu waday inuu soo gaaro magaalada...
Ciidamo ku wajahan magaalooyinka Xarardheere iyo Jawle oo gaaray Galmudug.
Dhuusmareeb ( Raxanreeb ) Dowladdda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah ciidamo aad u fara badan u daabashay deegaano ka mid ah Galmudug. Ciidanka ayaa ujeedkooda lagu sheegay in ay tahay in gacan ay ka gaystaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ka socda deegaano ka tirsan gobolada galgaduud iyo Mudug. Saraakiil...
Dowladda Federaalka oo shaacisay degaano cusub oo lagala wareegay -kooxda Al-Shabaab.
Jowhar ( Raxanreeb ) Ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa maanta kooxda Al- Shabaab kala wareegay deegaanada Guulane, Xarka dheere iyo Daaru salaam oo dhammaan ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga General Cabdullaahi Cali Caanood oo goordhow La hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in hadda ciidanku ku sii siqayo degmadii ugu...
Galmudug ” Waa ficil guracan afduubka lagula kacay xubno ka tirsan Wasaaradda arrimaha gudaha “
Dhuusmareeb ( Raxanreeb ) Dowlada Galmudug waxay cambaaraynaysaa dhacdadii Af-duubka ahayd ee aaga Degmada Caabud Waaq loogu gaystay shaqaale ka tirsan wasaarada arrimaha Gudaha Galmudug Dec. 2, 2022. Falalka af-duubku waa fal dambiyeed kasoo horjeeda dhamaan sharciga iyo nidaamka. Dowlada Waxay u mahadcelinaysaa Suldan Ahmed Garbacune iyo Odayashii uu hogaaminayay iyo masuliyiintii ku weheliysay dadaalka...
Haddii xubnaha mucaaradka ku ah Laftagareen ay dagi lahaayeen Baydhabo maxaa ka dhici lahaa magaalada ?
Baydhabo ( Raxanreeb ) Magaalada Baydhabo ee – gobolka Baay , waxaa ka taagan muran la xiriira in la qabto doorashada maamulka koonfur galbeed oo waqtiga laftagareen ay ka harsan tahay maalmo kooban. Arintan waxa ay salka ku haysaa hubanti la’ aanta laga qabo xilligan in doorashada koonfur Galbeed waqtigii loogu tala- galay ay dhaafto...
WARBIXIN : Dayaca amniga caasimadda & Dooda ay qabaan xildhibaanada BJF.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la daala- dhacaysa amaanka caasimada , taas oo xitaa xildhibaanada Barlamaanka ku riixday in mooshin ay ka keenaan. Xildhibaanada qaar oo maanta Sabti ah ka hadlay xarunta Golaha shacabka isla markaana mooshin ka keenay amniga caasimadda ayaa dalbaday in Hoggaanka Hay’ daha amniga la hor keeno Golaha...
Diyaarado dagaal oo ka degay Cadale Sh.Dhexe & Ujeedka halkaas u gaareen.
Jowhar ( Raxanreeb ) Laba diyaarad oo kuwa Dagaalka ah ayaa ku degay Duleedka Degmada cadale ee Sh/dhaxe. Diyaaradahan ayaa lagu soo waramayaa in ujeedkooda uu yahay ka qayb galka dagaalka Dowladda Federaalka ay kula jirto kooxda Al- Shabaab. Saraakiil ka tirsan Dowladda oo aan arintan kala xiriirnay ayaa ka kaabsaday in wax faahfaahin ah...