Cadalle ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dabley hubeysan oo saakay labo ruux oo shacab ah ku dilay deegaanka Koogaar oo hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Labada ruux ee la dilay ayaa la sheegay in mid kamid ah uu ka shaqeeynayay Shirkad Isgaarsiin, halka midka labaad uu asna ka shaqeynayay Ceel biyood ku yaalla deegaanka.
Marxuumiinta ayaa lagu kala magacaabi jiray Muxudiin Caraale iyo Fanax Macalin Xabeeb, waxaana dadka deegaanka ay shegeen in raga dilka geystay ay ka soo jeedaan degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa dilka labada ruux, balse waxaa lala xiriirinaya inuu salka ku hayo Aano qabiil. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in tallaabadaani ay sababi karto hurinta xiisad colaadeed.
Sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Cadalle iyo hay’adaha ammaanka oo ku aadan dilkan saakay ka dhacay degmada Cadalle.
Leave a Reply