DEG-DEG :  Golaha shacabka oo meel mariyay  Hindise sharciyeedka NISA

DEG-DEG :  Golaha shacabka oo meel mariyay  Hindise sharciyeedka NISA

Muqdisho ( Raxanreeb ) Xildhibaanada Golaha shacabka BFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sigidda Qaranka NISA

Hindisahan ayaa maalmihii la soo dhaafay goluha shacabka ka lahaa  dood adag oo xagga sharciga ah ugu danbeyn maanta oo Isniin ah ayay meel mariyeen.

” waa arrin wanaagsan in maanta hey’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka aan u sameynaa hoggaan iyo dabar” sidaas waxaa Golaha ka sheegay   Xildhibaan Mahdi Guuleed.

144 xildhibaan ayaa haa u codeysay, sedax ayaa ka aamustay, hal xildhibaane waa diidyay sida fadhiga uu kaga dhawaaqay Guddoonka KMG ee Golaha shacabka.

Kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ajandihiisu ahaa akhrinta sedexaad ee Hindise Sharciyeedka NISA oo soo maray dood adag.

Wasaaradda Amniga gudaha ayaa sharcigan soo marsiisay golaha Wasiirada iyadoona loo gudbiyay golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.