DFS oo Talyaaniga ka dalbatay difaac

DFS oo Talyaaniga ka dalbatay difaac

Roma (Raxanreeb) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kamid ah wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan magaalada Roma ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Talyaaniga, Guido Crosetto.

Kulankan, labada Wasiir ayaa looga hadlay wada shaqeeynta labada wasaaradood inay ay ka yeesheen arrimaha difaaca.

Qoraal kooban oo laga soo saaray kulan ayaa lagu yiri Soomaaliya waxay u baahan tahay difaac maadaama ay Al-Shabaab, dagaal culus kula jirto.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri “Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa mahad-celin kaddib dhiggiisa la wadaagaay muhiimada ay Soomaaliya u leedahay taageerada Difaaca ee Saaaxibada Caalamka ee xiligan oo ay dolwadda iyo shacabka Soomaaliyeed ku jiraan dagaal xooggan oo ay isaga xoreynayaan Ururo Argagixiso ah oo dhibaato ku haya Soomaaliya iyo dalalka dariskaba”.

Wasiir Jaamac ayaa ka mid ah, wafdi xooggan uu horkacayo madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo ka qeeyb galaya shirka madasha Afrika.

Madaxweyne Xasan, oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin kheyraadka dalka iyo maalgashiga mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, ay leedahay kaasoo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan Caalamka.

“Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalkeenna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Soomaaliya waxay ku faani kartaa khayraadka Alle ku mannaystay ee dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga, Tamarta, iyo booska istaraatiijiga ah, kuwaas oo ay wehelinyaan in ay yihiin dad fir fircoon, dhallinyaro u badan, kuna tilmaaman hammi iyo hal-abuur. Ku biirista Bulshada Bariga Afrika waxa ay si weyn u dhiirri-gelisay aragtidayada ganacsi” ayuu yiri mar kale madaxweyne Xasan.