Golaha  amaanka ‘’ Soomaaliya & Itoobiya khilaafkooda ha xaliyaan’’.

Golaha  amaanka ‘’ Soomaaliya & Itoobiya khilaafkooda ha xaliyaan’’.

NewYork (Raxanreeb ) Fadhi  xubnaha Golaha ammaanka ay ku yeesheen magaalada NewYork ee dalka Mareykanka ayay  markale uga hadleen xaaladda guud  ahaan wadamada gobolka.

Waxa ay  si gaar ah diirada ay u saareen xiisada siyaasadeed ee ka dhaxeysa  Dowladaha  Soomaaliya iyo   Itoobiya oo cirka isku sii shareeraysa loona baahan  yahay in la dhameeyo.

Amb. Meles Alem ayaa saxaafadda u sheegay in Itoobiya ay ka codsatay IGAD in ay ku baaqdo shir madaxeed kale oo looga hadlayo heshiiskii marin-badeedka ee bishii hore ee ay ka carooday Muqdisho.

IGAD weli jawaab rasmi ah kama soo saarin codsiga Itoobiya.

Golaha Ammaanka  waxay 29-kii bishii January qabteen shir ciwaankiisu ahaa ‘Nabadda iyo Amniga Afrika’, iyadoo Soomaaliya ay codsatay shirkaas. Si kastaba ha ahaatee Goluhu wax faah faahin ah kama uusan bixin shirkaas.

Si kastaba ha ahaatee, Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbada Itoobiya Meles, wuxuu si cad u sheegay mowqifka Itoobiya intii lagu jiray shirkii golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.