Taliyaha NISA oo kulamo lagu xoojinayo howlgallada kawada degmada Moqokori

Moqokori ( Raxanreeb Online) Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Cabdullaahi Sanbalooshe, ayaa degmada Moqokori kulan looga hadlayay dardar gelinta howlgalka ka dhan Al-shabaab kula qaatay Odayaasha dhaqanka ee Hiiraan.

Odayaasha dhaqanka ayaa Agaasimaha NISA, uga mahad celiyay doorkiisa ku aadan abaabulka iyo garab istaaga ciidanka deegaanka ee  dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale Odayaasha ayaa u mahad celiyay dowladda federaalka daryeelka Caafimaad ee ay u fidineyso  ciidanka deegaanka ee ku dhaawacmay dagaalka.

Geesta  kale Agaasimaha NISA, ayaa ku booriyay odayaasha dhaqanka sida doorka muuqda uga qaataan howlgallada ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan. waxa uuna dhankiisa u ballan qaaday  in dowladda federaalka ay ka heli doonaan garab istaag dhan walbo ah.

Sikastaba, Agaasimaha NISA, oo gaaray  todobaadkan gobolka Hiiraan, ayaa bilaabay abaabulka kor loogu qaadayo howlgallada lagu ciribtirayo kooxda Al-shabaab ee ka socda gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.