WARCUSUB : Askarta DFS oo Muqdisho lagu weeraray + khasaaraha

WARCUSUB : Askarta DFS oo Muqdisho lagu weeraray + khasaaraha

Muqdisho (Raxanreeb ) Qaraxii daqiiqadaha ka hor caawa laga maqlay Muqdisho waxa uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ah, waxa uu ka dhacay agagaarka hoteel Amiira ee degmada Hodan.

Sida la xaqiijiyay cidna wax kuma noqon, waxaan goobta xiray ciidamada amniga oo baaritaanno ka bilaabay goobta.

Saraakiisha ciidanka Dowladda Soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa xiray waddooyinka muhiimka ah ee halkaas ku yaala inkastoo markii dambe la furay.

Waxaa si caadi ah u shaqeynaya waddada iyo goobaha ganacsi ee ka ag dhawaa halka ay wax ka dhaceen.

Ciidanka Dowladda waxa ay wadaan howlgal amniga lagu sugayo , hadana waxaa caasimadda ka dhacaya qaraxyo iyo falal amni darro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.