FACT Check  :  Dowladda miyay ka adkaatay cayaal weerada ?

FACT Check  :  Dowladda miyay ka adkaatay cayaal weerada ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Isagoo ka hadlayay degmada Huriwaa oo  bandhig ay ku sameynayeen  masuuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ku faanay in ay wax ka qabteen amniga caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku tilmaamay talabada guushaas mid ku timid howgal ay fuliyeen ciidanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka.

Hadaba aan dib u laabano  , magaalada Muqdsiho waa ay ka soconayaa howlgalada amniga lagu sugayo si joogta ah sidaas oo ay tahay waxaa magaalada ka dhacaya falal lidi ku ah amniga

Dowladda Soomaaliya dhawr jeer ayay ku celcelisay wax ka qabashada amniga caasimada hadana sidaas oo ay tahay kooxda Al- Shabaab ayaa ka gaysto weeraro toos ah iyadoo la xusuusto weerarkii ay ka fuliyeen  gudaha Muqdisho laba todobaad ka hor.

Kooxaha Cayaal weerada ayaa inta badan la sheegaa in ay ka qayb qaateen ciribtirkooda kooxda Al- Shabaab oo meelo badan oo ay ku sugnayeen ka fuliyay howlgalo kuwo kale  inta ay qabteen ku maxkamadeeyay goobaha ay maamulaan.

Sidoo kale kooxaha cayaal weerada ayaa la sheegaa in heshiis lala galay oo ku aadan joojinta falalka amni darro ee ay gaysan jireen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Meelo badan oo magaalada Muqdisho  ah waxaa wali laga soo calamadeynayaa jiritaanka falal amni darro oo la xiriira kooxaha cayaal weerada iyo kuwa kale oo dhac u gaysnaya dadka shacab ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.