Muqdisho (Raxanreeb )-Waxay u muuqataa in kiisku yeeshay waji kale oo gacan ku samays ah, in sheekadan dambe alifaad tahay waxa mujinaya 3 qodob. 1. Nin doonaya in uu alaabtiisa gubo kama bilaabi lahayn qol joodari iyo sariir uun yaalaan isaga oo arkaya fadhigii iyo jiifkii oo ka qaalisan alaabta uu gubay, sidaasi darteed waxa...
Month: February 2024
Maxkamada gobolka Banaadir oo soo xirtay wajiga 2AAD ee Kiiska Luul.
Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Isniin ah waxaa la dhagaystay wajiga labaad Kiiska nin ku eedeysan inuu nolosha ku gubay xaaskiisa kaas oo ka soo muuqday Maxkamada. Waxa Maxkamada qaadayay Guddoomiyaha Maxkamada Salaax Dabaan waxaana dhinacyadu ay soo bandhigeen cadaymaha iyo marqaatiyaasha loo hayo sida uu u dhacay Kiiska. Halka ay ka socotay Maxkamada waxaa...
Biden oo la kulmaya masuuliyiinta Congress-ka Maraykanka
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa kulan ka dhacaya Aqalka Cad maalinta Salaasada ah, isugu yeeray afarta masuul ee ugu sarreeya labada aqal ee Baarlamaanka Maraykanka.
Sawirro: Xasan Sheekh oo safiirka cusub ee Kenya ka guddoomay warqadaha aqoonsiga
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay Villa Somalia, ku qaabilay safiirka cusub ee Kenya, kaas oo lagu magacaabo Cyprian Kubai Iringo.
WAJIGA 2AAD Maxkamada nin lagu eedeynayo inuu xaaskiisa gubay.
Muqdisho (Raxanreeb )- Maxkamadda G/Banaadir ayaa maanta markale u fariisaneysa dhageysiga kiis dacwadeed dil ah oo loo heysto Siid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu nolosha ku gubay Xaaskiisa Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed oo uur laheyd. Maxkamadda gobolka Banaadir ayaana la filayaa iney go’aan kasoo saarto kiiskan waxaana hada hoolka ay kasocoto maxkamadeynta...
Maraykanka iyo Ingiriiska oo weerarro cusub oo xagga cirka ah ku qaaday Yemen
Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa sheegtay in diyaaraddaha dagaalka ee Maraykanka iyo kuwa Ingiriiska ay weerarro cusub oo xagga cirka ah ku qaadeen, bartilmaameedyo ku yaala dalka Yemen, kuwaas oo ay leeyihiin xuutiyiintu.
Muuse Biixi Cabdi oo eedeyn kulul u jeedayay MW Xasan Sheekh.
Hargaysa (Raxanreeb )- Maanta oo Axad ah waxaa magaalada Hargaysa Somaliland lagu aasay Cabdinaasir Dahable oo maalmo ka hor lagu dilay magaalada Muqdisho. Waxa ka qayb galay aaska marxuumkan oo madax ka tirsan Somaliland oo uu ka mid yahay Muuse Biixi Cabdi , xubnaha xukuumadda iyo dad kale kuwaas oo aad ugu xumaaday dilka. Madaxwaynaha...
Saraakiil NISA oo loo xiray dilka Cabdinasir Dahable oo lagu aasay Hargaysa.
Muqdisho (Raxanreeb )- Magaalada Muqdisho waxaa lagu xiray sida warar soo baxaya ay sheegeen saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA kuwaas oo loo haysto ku lug lahaansha dil loo gaystay AUN Cabdinaasir Dahable. Dilka sarkaalkan oo ka tirsanaa Hay’adda Duulista hawada ayaa keenay cara badan waxaana lagu cambaareeyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud. Hay’adda...
MW Xasan ‘’ 6,000 ilaa 8,000 ayaa ku biirtay AS tan & bishii Jannaayo 2024 ‘’.
Muqdisho (Raxanreeb )- Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay korortay bishan keliya dadka doonaya in ay ku biiraan kooxda Al- Shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Soomaaliya . Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sabab uga dhigay kororka dadka ku biiraya kooxda Al- Shabaab fara galinta Itoobiya ku haysa arrimaha Soomaaliya. Waxa...
Dowladda Soomaaliya ‘’ Amniga hawada Soomaaliya kama jirto khatar ‘’.
Muqdisho (Raxanreeb )- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hadda wixii ka danbeeya hawada Soomaaliya guud ahaan laga maamuli doono magaalada Muqdisho ka dib markii ay soo baxeen qalqal xag hawada Soomaaliya ah. Khatar xaga diyaaradaha ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay hawada Soomaaliya taas oo ka danbeysay maamulka hawada is khilaafsan ee Dowladda Soomaaliyo...