Ciraaq oo iska diiday xafiiska Q.M si la mid ah go’aanka DFS ee UNSOM

Ciraaq oo iska diiday xafiiska Q.M si la mid ah go’aanka DFS ee UNSOM

Baghdad (Raxanreeb )- Dukumiinta ay heshay wakaalada wararka AFP ayaa muujinaya warqad codsi ah oo Dowladda Ciraaq ay u dirtay Qaramada Midoobay si albaabada loogu laabo xafiiska Qaramada Midoobay ay ku leedahay Baghad ee UNAMI.

Xafiiskan Qaramada Midoobay ee Baghad ayaa taageera Dowladda Ciraaq isla markaana siiya kaalmo dhinacyo badan ah inta ay kaga soo kabsanayso burburkii baaxada lahaa ee gaaray dalka Ciraaq.

Ciraaq ayaa u sababaysnaysa in albaabada loo laabo xafiiskan ka dib markii ay sheegtay inay gaartat isku filnaansho dhinac kasta ah sidaas darteeda aan loo baahnayn inuu sii furnaado xafiiska kaalmada Qaramada Midoobay ee Ciraaq.

Ra’isul Wasaaraha dalka Ciraaq Maxamed Shiyaac Al-Suudaani ayaa qoraal uu u diray Golaha Ammaanka ee QM ugu sheegay in ay doonayaan in la xiro 31-bisha December ee sannadka soo socda ee 2025-ka xafiiska QM ee UNAMI.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaare Al-Suudaani in xukuumadihii ka horreeyay ay hormaro ka gaareen sidii looga maarmi lahaa shaqada uu hayo xafiiska UNAMI oo dalka Ciraaq laga furay sannadkii 2003-dii.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale Qaramada Midoobay uga dalbatay in la xiro oo meesha laga saaro howlaha xafiiska kaalmeynta Qaramada Midoobay ee UNSOM, kaas oo Soomaaliya ka shaqaynayey muddo ku dhow 30 sano.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo waajibaadka xafiiska QM EE (UNSOM) uu ku eg yahay marka la gaaro dhammaadka bisha Oktoobar ee sanadkan 2024-ka.

Xafiiska UNSOM ayaa waxaa 2013 aas-aasay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si uu mas’uuliyiinta Soomaaliya uga taageero u gudubka dimoqraadiyadda iyo sareynta sharciga ka dib in ka badan 20 sano ah oo ay dalka ka jireen dagaalo sokeeye.

Leave a Reply

Your email address will not be published.