Doorashada Somaliland: Beelaha Habar Jeclo oo go’aansaday inay dhisaan Cirro iyo Kaah.

Doorashada Somaliland: Beelaha Habar Jeclo oo go’aansaday inay dhisaan Cirro iyo Kaah.

Ceel Afweyn (Raxanreeb online) – Waxaa gelinkii dambe ee Arbacada shalay deegaanka Ceel Aweyn ee gobolka Sanaag lagu soo gabagabeeyay shir ay lahaayeen odayaal dhaqameedka beelaha Habar Jeclo ee Somaliland.

Shirkan oo looga hadlay doorashada madaxtinimada Somaliland iyo xisbiyada siyaasadda ayay Beelaha Habar Jeclo ka gaareen go’aano ay ku sheegeen inay ku doonayaan inay ku wajahaan xaaladda guud ee Somaliland iyo doorashooyinka.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin xaalada ay wajahayso Somaliland, iyagoo ku dhawaaqay labo qodob:

  • Waxay Habar Jeclo taageertay musharaxa xisbiga mucaaridka ee Waddani, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro oo sida ay shegeen ay u codeyn doonaan
  • Waxay go’aansadeen in ururka Kaah ee uu hoggaamiyo siyaasiga Maxamuud Xaashi ay ugu cideeyn doonaan doorashada dhacaysa 13 Nofembar si ay u gaarsiiyaan xisbi buuxa

Go’aanadan ayaa la filayaa inay saameyn ku yeeshaan doorashada guud ee ka dhacaysa Somaliland bisha soo socota.

Suldaan Xasan oo ah suldaanka guud ee Habar Jeclo ayaa sheegay in go’aanadan ay yihiin kuwo ay beel ahaan u gaareen, isagoo ugu baaqay dadweynaha inay la qaataan.

Waxaa shirka ka qeybgalay musharax Cabdiraxmaan Cirro.

Waxaa shirka sidoo kale ka qeybgalay Boqor Cismaan Buur Madow oo dhowaan kasoo laabtay musaafuris uu dibadda uga maqnaa, ayna muddo dheer isku xumaayeen xukuumadda Somaliland.

Waxay odayaal beeleedku baaqooda ku dareen in beelaha kale ee Somaliland ay ugu baaqayaan inay la qaataan go’aanadan.

Shirka odayaal dhaqameedka Habar Jeclo ee ka dhacay Ceel Afweyn.
Shirka odayaal dhaqameedka Habar Jeclo ee ka dhacay Ceel Afweyn.

Habar Jeclo iyo Muuse Biixi

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la aaminsan yahay inuu hore gacansaar iyo is xulufeysi uu kala dhexeeyay beelaha Habar Jeclo.

Balse waxaa muddaba jirtay in labada dhinac ay sii kala tagayeen.

Colaadoo ka dhacday Laascaanood oo Habar Jeclo saraakiil uu ku jiro Feysal Cabdi Bootaan looga qabtay, iyo dhimasho badan ayay aaminsan yihiin in xukuumadda Muuse Biixi ku deysisay beeshooda.

Waxaa kaloo jirta in beelaha Habar Jeclo ay ku eedeeynayaan Muuse Biixi inaanu dhageysan rabitaankooda oo uu deegaanadooda ka abuuray colaad, maadaama ay deris la yihiin beelaha Dhulbahante.

Arrin kale oo la dhayalsan karin ayaa ah in siyaasiyiin miisaan leh oo kasoo Habar Jeclo sida Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Xirsi Cali Xaaji ay waahore ka goosteen Xisbiga Kulmiye ee Muuse Biixi, ayna is-bahaysi kula jiraan xisbiga Waddani.

Tartanka doorashada Somaliland

Doorashada dhacaysa bisha soo socota ayaa aad u xiiso badan.

Waxaa ku tartamaya saddexda xisbi ee hadda ka jira Somaliland oo kala ah: Kulmiye (oo hadda talada haya) oo uu u sharraxan yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi; Waddani oo ah mucaarid, uuna u sharaxan yahay Cabdiraxmaan Cirro iyo UCID oo uu u sharaxan yahay Feysal Cali Waraabe.

Waxaa sidoo kale doorashada loo codeyn doonaa tiro gaareysa saddexda xisbi ee hadda jirta iyo toddoba (7) urur siyaasadeed oo doonaya inay xisbiyo u gudbaan. Tobanka ayaa lagu kala saari doonaa cod badnida iyadoo laga soo reebi doono saddex xisbi oo noqon doona xisbiyada sharciga muddo 10 sano ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.