Addis Ababa ( Raxanreeb Online) Dowladda Itoobiya ayaa sare u qaaday damaceeda ku aadanaa helintaanka biyaha badda Cas oo in muddo ah ay qorshahaan wado.
Gelinkii dambe ee shalay waxaa tababar loo soo xiray ciidamo cusub oo loo tababaray badda, kuwaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyey uu tababar u socday.
Taliyaa kulliyadda difaaca ee Itoobiya Jeneraal Bult Tadessa, oo la hadlayay ciidamada tababarka loo soo xiray, ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay sidii uu ku gaari laha badda Cas, isla markaana uga mid noqon laheyd awoodaha bartamaha.
Taliyaha ayaa sheegay in dadkiisa looga baahan yahay inay isku diyaariyaan haddii loogu guuleysto nabad iyo is faham ku gaarista badda cas, ay u isticmalaan awood aan horay loo arkin.
“Waxaa naga go’an maskax ahaan iyo nafsad ahaan in aan ku gaarno Badda Cas, hannaan diblumaasi nabad iyo is faham waa ujeedkeena, balse haddii uu amar kasoo baxo dowladeena, mustaqbalka waa ku fulin doonaa”, ayuu yiri Jeneraal Bult Tadessa.
Gesta kale madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki, ayaa dhowaan sheegay in xukuumadda Abiy Axmed ay dooneyso inay xoog ku qabsato dekadda Casab, iyo sidoo kale ay dooneyso inay qabsato qeyb kamid ah badda Soomaaliya.

Leave a Reply