Muqdisho (Raxanreeb) — Ergayga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, u qaabilsan Arrimaha Macawiislayda, mudane Cali Jeyte Cusmaan, ayaa wada abaabul ka dhan ah, kooxda Al-Shabaab.
Ergayga, ayaa maanta boqollaal macawiisley ah, kula hadlay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo loo diyaarinayo Shababka ku harsan deegaanada Hirshabeelle, inay baabi’yaan.
Cali Jeyte, ayaa la dardaarmay macawiisleyda isla markaana ku yiri in ay u diyaar garoowaam, sifeeynta kooxaha argagaxisada isla markaana ay u midoobaaan sidii loo ciribtiri laahaa, Al-Shabaab gobolkana uu xor u noqdo kooxaha agagaxisada ah.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay dhowaan in ay howlgal ku dileen xubno Al-Shabaab oo isku uruursanayay Hiiraan, iyagoona tiradooda lagu sheegay 60 ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab.
Dowladda ayaa sheegtay in ay ku burburiyeen gaadiid xooggan iyo saldhigyo ay ku lahaayeen kooxda Al-Shabaab, deegaanka Hilow Bacaad, oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Gobolka Hiiraan ayaa ah, meelaha dagaalka ba’an ee xooggan looga qaaday Al-Shabaab, isla markaana looga qabsado deegaano badan halka madaooda la dul dhigay lacag gaareysa $5000 iyo inkabadan.
Howlgallada ka dhanka ah, kooxda Al-Shabaab ayaa billoowday sannadkii hore ee 2022, isla markaana looga qabsado dhul badan oo ay maamulayeen ku dhowaan 17 sano kooxda Al-Shabaab.