Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa kulan la yeeshay ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobay, Uqeybsamaha Isku-duwidda Howlaha Bani’aadannimo George Conway.
Kulankan ayaa xoogga lagu saaray arrimaha deeyn cafinta, iyo sidii loo yareeyn lahaa masabooyinka fatahaadaha, kuwaas oo saameeyn lixaad leh ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed.
Soomaaliya, ayaa laga yaabaa in laga cafiyo deeynta taasoo horey loogu lahaa taasoo laga yaabo isla sannadka 2023 laga cafiyo dhammaan deeymaha lagu leeyahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo mar ka hadlayay kulanka afaraad ee Baadlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in dhammaadka sannadka laga cafin doono deymaha lagu leeyahay ayna Soomaaliya buuxisay shuruudaha oo dhan.