GAARISSA : Ciidanka Kenya oo weerar dhabgal ah lagu qaaday

GAARISSA : Ciidanka Kenya oo weerar dhabgal ah lagu qaaday

Gaaris (Raxanreeb ) Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa iska hor imaad khasaare geystay oo ka dhacay  duuleedka magaalada magaalada Gaariga ee gobolka Waqooyi Bari Kenya .

Iska hor imaadkan ayaa  ahaa mid u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan kuwa Kenya iyo kooxda  Al-shabaab oo marar badan weeraro ka fuliyay gudaha Kenya

Iska hor imaadkan ayaa  yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay kolanyo ka tirsan ciidanka Kenya ku qaadeen weerar jidgal ah oo qarax ku bilaawday, xili ay marayeen inta u dhaxeeysa deegaanada Calin Jugur iyo Weel mareer oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Gaarisa.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay  in qarax uu qabsaday mid ka mid ah kolanyada gadiidka ay wateen ciidanka Kenya  , mana aysan shaacin khasaaraha soo  gaaray ciidanka.

Kol hore, Al-shabaab ayaa dishay afar ka mid ah shaqaalaha maamulka waddooyinka waaweyn ee Kenya, kadib markii qarax lala eegtay baabuur ay wateen oo marayey waddo ku taalla degmada Gaarisa.

Weerarada Al-shabaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa saameyn ku yeeshay qorshe dowladda Kenya ay ku dooneysay iney dib u furto xadka ay wadaagaan labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.