Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in uu ka qabsoomo shirwayne uu ku baaqay Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirkan waxaa la sheegay in looga hadli doona xaaladda dalka , dhinacyada Siyaasada , amniga iyo dhaqaalaha waxaana martigalinaysa Villa Soomaaliya oo hadda saran culays siyaasadeed.
Masuuliyiin kala duwan oo dalka xilal ka soo qabtay ayaa soo gaaraya magaalada Muqdisho oo uu ka mid yahay Xasan Cali Khayre iyo xubno kale si ay ugu qayb galaan shirkan.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowaan la kulmay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh ayaa ka codsaday inuu isugu yeero kulan uu la qaato xubnaha saamileyda siyaasadda si ay dood iyo aragti wadaag uga yeeshaan heshiiskii Siyaasadeed ee 27 May ee sanadkan ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran.
Xubnahan Siyaasiyiintan ayaa war ay si wadajir u soo saareen waxay ka soo horjeesteen qaar ka mid ah qodobada heshiisyadaas oo uu ka mid ahaa hannaanka la rabo inuu dalka u guuro ee ah nidaamka Madaxtooyada iyo in dalka uu mustaqbalka yeesho labo xisbi.
Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa soo dhaweeyay oo kaliya Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo oo u muuqday mid taageersan nidaamka Madaxtooyada iyo doorasho qof iyo cod lagu galo nidaamka Xisbiyada
Leave a Reply