Muqdisho (Raxanreeb ) Muqdisho waxaa si aad ah ugu soconaya kulamo la xiriira mooshinka ujeedkiisu uu yahay in lagu tuuro Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre.
Shirarkan waxaa inta badan ku leh xildhibaano , siyaasiin iyo madaxda Dowladda Soomaaliya kuwaas oo doonaya in ay kala jabiyaan xubnaha sida aad ah u doonaya in xukuumadda la rido.
Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ayaa sheegay in ay soo gole joojin doonaan Xamse Cabdi Bare oo xukuumadiisa loo arko mid aan qaban waxyaabihii loogu baahnaa mudadii ay jirtay.
Cabsi xooggan ayaa jirta oo la xiriira mooshinka ka kararaya xarumaha Dowladda ee magaalada Muqdisho , taas oo ku saabsan in kalsoonida lagala noqdo xukuumadda Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan iyo ra’iisul wasaare Xamse ayaa qaba walaac la xiriira in fadhiga ugu horeya ee Golaha shacabka uu ka dhalan karo mooshinka loogu tuurayo Xamse
Waxaa soo baxday awoodda xubnaha mucaaradka ay ku leeyihiin baarlamaanka taas oo keentay cabsida ka jirta labada xafiis ee ugu sareeysa dalka.
Ra’iisulwasaare Xamze ayaa ku dadaalayo in uu kala furfuro xildhibaanada kasoo horjeeda, taageerayaasha ayaa deegaan kasta cid looga xilsaaray.
Mooshinkan ayaa kusoo aadayo, ayada xaaladda siyaasadeed ay dalka ka taagan tahay , taas oo ka dhalatay heshiiskii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka.
Leave a Reply