Puntland oo jawaab adag ka bixisay wax ka baddelkii Dastuurka

Puntland oo jawaab adag ka bixisay wax ka baddelkii Dastuurka

Garowe (Raxanreeb) — Dowlad goboleedka Puntland, ayaa si adag uga falceliyay ansixinta wax ka beddelka Dastuurka oo ay maanta ku dhaqaaqeen xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka, Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo si aqlabiyad leh ku meel mariyay.

Cabdi Faarax Saciid (Juxa) wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland, oo qoraal kooban soo saaray ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh, inuu jabiyay heshiiskii lagu wada joogay wixii ka dambeeyay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay dalka sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne XSM wuxuu maanta jebiyey heshiiskii Somalia ku wada joogtay dagaalkii sokeeye kadib 1991” ayuu yiri wasiir Juxa.

Juxa, oo sii watay hadalkiisa ayaa shaaca ka qaaday in lalaalay Dastuurkii heshiiska lagu wada ahaa iyo shuruucdii dalka.

“Wuxuu laalay dastuurkii lagu doortay, laguna dhaariyey. Wuxuu dhumiyey sharciyaddii (legitimacy) iyo kalsoonidii xafiiskiisu lahaa.” ayuu yiri Juxa.

Jawaabta Pubtland, ayaa timid saacad kadib markii labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay meel mariyeen afarta cutub ee ugu horreeyso ee Dastuurka.

Xildhibaanada ayaa gaarayay 254 mudanayaal, oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka ayaa u codeeyay ansixinta cutubyo kamid ah Dastuurka, mana jirin cid diiday, sida uu ku dhowaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe.

Hasayeeshee tallaabadan ayaa ka dhigan 55 sano ah kadib, in ay meel mariyeen baarlamaan Soomaaliyeed Dastuurka, taas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah, oo dowladda mucaarad badan kaka kulantay.