Raiisul-wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah

Islamapad (Raxanreeb) — Ra’iisul Wasaarihii xilka laga tuuray ee Pakistan Imran Khan ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, kaddib eedeymo musuqmaasuq oo uu beeniyay.

Maxkamad ku taal Islamabad ayaa ku heshay danbi ah inuusan cadeyn lacag uu ka helay iibinta hadiyadaha dowladda.

Xaakimka ayaa amray in si degdeg ah loo soo xiro, waxaana qareenkiisa Intazar Hussain uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ra’iisul wasaarihii hore laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Lahore.

Kooxda Mr Khan ayaa sheegtay in uu racfaan ka qaadan doono go’aanka.