Soomaaliya oo ka hadashay kaalmadii uu ka jartay Imaaraadka

Soomaaliya oo ka hadashay kaalmadii uu ka jartay Imaaraadka

Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa “dacaayad” ku tilmaantay warar sheegayay in uu hakad ku yimid mushaharka qaar ka mid ah ciidamada dawladda, sababo la xariira in mid ka mid ah dalalka shisheeye ee ciidamada Soomaaliya ka caawin jiray mushaarka uu joojiyay lacagihii kaalmada ahaa ee uu bixin jiray dalkaasi.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa beeniyay wararkaas, Inkastoo uu ku-xigeenka ka gaabsaday in uu si gooni ah uga hadlo warka sheegaya in dawladda Imaaraadku jaratay deeqdii ay bixin jirtay, haddana waxa uu sheegay “in ciidamadu xuquuqdoodii ay helaan”.

Dhowaan ayay ahayd markii dowladaha Soomaaliya, iyo Turkiga ay gaareen heshiis rasmi ah, oo ku saabsan ilaalinta xeebaha Soomaaliya, muddo 10 sanno ah, iyo dhisidda ciidamo Soomaaliyeed, ee ilaalinaya badda Soomaaliya.

Soomaaliya waxay heshiishyo difaac la gashay, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Sucuudiga iyo Uganda. Balse waxaa wadamada badani loolan ugu jiraan Shidaalka Soomaaliya oo ay dawladdu sheegtay in la soo saari doono dabayaaqada sanadkan 2024 ta, markii ugu horreysay, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan heshiis uu galay Wasiirka Batroolka Soomaaliya, oo ra’isulwasaare Xamsa Barre uu ka biyo diiday.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya, ayaa beenisay in ciidamada furimaha dagaalka ee deegaannada Galmudug ay usoo faarujiyeen mushahar la’aan darteed.

Ciidamada qaar ee la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in musharkooda qaar laga jartay oo inta badana ay helaan mushaarkooda.

Ku-xigeenka Warfaafinta ayaa ku andacooday in aysan jirin marnaba ciidan laga jartay mushaarkooda.

“Hal askari oo ka tirsan ciidanka Soomaaliyeed oo aan mushaarkii loogu talo galay qaadanin ma jiro, dhammaan ciidamadu mushaarkoodeey qaateen wax iska beddelayna ma jiro” ayuu yiri ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta.

Ciidamada kasoo baxay furimaha dagaalka ayaa isugu jira ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo sheegay in furimaha dagaalka ay muteen dayac xooggan iyo duruuf iyadoo aysan jirin wax dhiirragelin ah, sidaas darteedna ay khasab noqotay in ay soo faarujiyaan furimaha hore ee dagaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa 18 bil ka hor ku dhawaadqay inay billaabeyso dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhaca inta badan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Dagaalladaasi kaddib ayay ciidamda ay ka gaareen guulo waa weeyn iyo deegaano badan oo ay gacanta ku dhigeen walow markii danbe ciidamada qaar ay isaga baxeen goobahaasi oo ay hore uga saareen kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ugu danbeeyay ayaa faarujiyay deegaannada Camaara iyo Bacaadweyn oo ay ciidamada Xoogga Dalka, kuwa Galmudug iyo Macawiisleyda, isaga baxeen ayaa dib waxaa u qabsaday kooxda Al-Shabaab, sida ay baahisay isla k
Kooxdu.

Kooxda Al-Shabaab ayaa mid ka mid ah, weeraradii ugu adkaa ee ay ka gaystaan furimaha, waxa ay ku qaadeen illaa toddobo saldhig oo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Macwisleyda ay ku lahaayeen deegaanka Caad.