Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo shqaca ka qaaday doorkii uu ku lahaa madxweyna Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.
Madaxweyne Xasan ayaa ku ammaanay Ismaaciil in uu marnaba faragelin sammeeynin isagoona u mahad naqay.
“Odageena Ismaaciil Cumar Geelle wax uu nagu darsaday iyo waxuu naga bi’iyey ma jirine, gogol ayuu noo dhigay, kadibna fursad ayuu nasiiyey, war bal wadahadla ayuu na yiri, ma mudna hadallada dadka qaar ay maanta meelaha ka sheegsheegayaan, waxaba nooma dhibin Ismaaciil,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.
Dadyow badan ayaa jiray maalmihii lasoo dhaafay Baraha Bulshada ay ku xiriirto sheegayay in Xasan iyo Ismaaciil ay la ogayeen heshiiska Muuse Biixi Cabdi uu la galay Itoobiya.
“Ninkii xoog wax ku raadinaa waa gooni, laakiin dunida dhul ka isma weydiisto,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.
Xasan, ayaa sheegay in caalamka ay ka jirto shuruuc iyo qawaaniin lagu wada dhaqmo, waxyaabaha la is weeydiiyo ama la is siiyo aysan marnaba ku jirin dhul.
“Xukunkiina cid boobi karta ma jirto Soomaali mar hore ayey isisoo tijaabisay ee danihiina u midooba walaalayaal,” ayuu yiri mar kale.
Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay dowladaha taageeray go’aankii Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, kasoo baxay iyo kuwa kale ee la tuhmayo inay la jiraan Itoobiya, sidoo kalena u mahad celiyay kuwa Soomaaliya taageeray.
“Dowladaha weli aamusan ee meelaha ku gambanaya waxaan leeyahay walaalayaal, Soomaaliya, unbaa isku xumaa kartaane, dal kale dhulkeena ma sii kartaan, kumana taageeri kartaan, dhulkaan Soomaaliya waligeed waa la haaneysaa, cid xoog uga qaada kartana ma jirto,” ayuu yiri mar kale madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay midnimo iyo wadajir toosan “cabsida aan kala qabno aan meesha ka saarno walaalayaal, waan wada dhalanay, waxabana iskama aanaan bi’in dhul, dhalasho, dhaqan iyo diin ayaan naga dhexeeya walaalayaal,” ayuu yiri hadalkiisii ugu danbeeyay.