Xasan Sheekh muxuu ka yiri shirka Qaramada Midboobay

Xasan Sheekh muxuu ka yiri shirka Qaramada Midboobay

Brussels (Raxanreeb) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay shirka Qaramada Midoobey ee la dagaallanka cunto-yarida iyo ka hortagga macaluusha.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey shirkaas ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirto dalalka ay curyaamisay abaaraha soo laalaabtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee dhanka beeraha ee ay hodonka ku tahay Soomaaliya, taas oo haddii la maal-geliyo u noqonaysa dalalka Gobolka iyo guud ahaan qaaradda dammaanad-cunto oo la isku halleyn karo.

Wuxuu Madaxweynuhu ku dheraaday sharaxaada dalagyada ka baxa Soomaaaliya oo ka kooban dhammaan baahiyaha nololeed ee dadka iyo calafka xoolaha.

“Soomaaliya abaarihii soo laalaabtay sanadihii la soo dhaafay waxay galaafteen nolasha kumannaan ka mid ah dadkayaga. Waxaa na soo food-saaray duruufaha nololeed ee ugu adag adduunka.”

“Taas waxay nooga dhigan tahay cashar aan kaga gudubno ku tiirsanaanta gargaarka degdegga ah, iyadoo ay muhiim tahay in mashaarciidaas loo wareejiyo dhanka horumarka waara,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in isbeddelka cimilada, tabar-darrada kaabeyaasha iyo maalgashiga beeraha, tababarrada dhanka dalagyada oo yar iyo argagixisada oo haysatay dhulka qaniga ah ay sababtay hoos u dhaca waxsoosaarka beeraha Soomaaliyeed.

Sidoo kale madaxaweynaha Soomaaliya wuxuu shirka Qaramada Midoobey ka sheegay in dowladdu ay haatan xoogga saareyso sidii ay dhulkaas uga xoreyn lahayd gacanta argagixisada, iyadoo ay barbar socdaan qorsheyaasha horumarineed ee beeraleyda iyo dalagyada.