Madaxweynaha Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa bilaabay hanaan degdeg ah oo la doonayo in xasaanadda lagaga xayuubiyo laba mudane oo ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub, ka dib codsi uga yimi hay’adaha garsoorka ee dalka Belgium, kuwaas oo baadhaya fadeexad weyn oo musuqmaasuq oo ruxday Midawga Yurub.
Month: January 2023
Dagaal adag oo saqdii dhexe xalay ka dhacay Laascaanood
Xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa weli kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in xalay saq-dhexe dagaal culus oo ka dhacay bartamaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.
Wasiirka maaliyadda DF oo sheegay Inay Soomaaliya qaadatay deyn cusub
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cilmi Maxamuud Nuur ayaa markii ugu horeysay ka soo jawaabay warbixintii sanadlaha aheyd ee hantidhawraha guud ee qaranka, taas oo inteeda badan quseysay wasaaradda maaliyadda.
Philippine: ’51’ qof oo ku dhintay daadad xoogleh oo ku dhuftay dalkaas
Kumanaan qof oo u dhashay dalka Philippine ayaa ku nool goobo loo asteeyey 'in la dego xilliga ay jiraan xaaladaha degdegga ahi', ka dib markii ay dalkaas ku dhufteen daadad aad u xoog badan, waxaana sii kordhaysa tirada dhimashada.
Ciidankii Ereteriya ee soo gaaray dalka oo u- jihaysanaya goobaha dagaal.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kormeeray Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka kusoo qaatay dalka Ereteriya ayaa faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo salaan sharaf...
Israa’iil oo weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha Dimishiq
Ciidamada Israa’iil ayaa Isniinta maanta ah fuliyey duqeyn gantaal oo muddo joojisay howlihii garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Dimishiq, islamarkaana ay ku dhinteen afar qof, waxaa sidaas ku warantay wakaaladda wararka Suuriya ee SANA, oo soo xiganeysa ilo-wareedyo militari.
Laascaanood oo ay geeriyoodeen inkabadan 20 qof
Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho, dhaawac & midda hanti ee ka dhashay dibadbaxyada rabshadaha wata ee maalintii 9aad galay ee ka socda Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool una dhaxeeya Ciidamada Somaliland & Shacabka Magaaladaas.
Turkiga oo safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya
Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab dayib Erdogan ayaa Ibrahim Mete Yagli u magacaabay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, kaddib markii madaxweynaha uu saxiixay wareegto uu isku shaandheyn ugu sameeyay safiirada caalamka.
Al-Shabaab oo shacab ku afduubtay Hiiraan
Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in markale maanta ay Al-Shabaab afduub ka geysateen gobolkaasi oo dhaca bartamaha dalka.
Lula Da Silva oo mar kale ka noqday madaxweyne Barazil
Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha ee dalka Brazil, Luis Inácio Lula da Silva ayaa xalay loo dhaariyay xilka Madaxweynaha.