Lula Da Silva oo mar kale ka noqday madaxweyne Barazil

Lula Da Silva oo mar kale ka noqday madaxweyne Barazil

Barazil (Raxanreeb) — Hoggaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha ee dalka Brazil, Luis Inácio Lula da Silva ayaa xalay loo dhaariyay xilka Madaxweynaha.

Madaxweynaha cusub oo 77-jir ah waxa uu horey Madaxweyne u soo noqday muddadii u dhexeysay 2003-dii ilaa 2010-kii.

Xafladiisa Caleema-saarka waxaa ka qeyb galay Wafuud Shisheeye ilaa 19 Madax Dowladeed oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaasha dalalka Latin America, Germany, Portugal iyo Boqorka dalka Spain.

Silva ayaa ahaa qashin xaaqe waddooyinka ka xaaqa wasaqda balse mar un ku guuleystay madaxweynaha Baraazil.

Madaxweyne Luiz Inácio Lula da Silva ayaa lagu xasuustaa inta uu talada hayay in uusan hanti iyo boob ku kicin asagoona keliya isticmaalayay hal gaari oo horey uu u lahaa.

Lula da Silva ayaa sidoo kale lagu xasuusan karaa in aad ay u jaceylyihiin Shacabka dalkaasi asagoona horumar xooggan gaarsiiyay dhanka dhaqaalaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.