Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa ku heshiiyey xabbad-joojin soconaysa muddo 24 saacadood ah, oo ka billaabmaysa fiidnimada Talaadada.
Day: April 18, 2023
UK oo safiir cusub usoo magacowday Soomaaliya
Xafiiska Arrimaha Dibedda UK ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Michael Nithavrianakis loo magacaabay safiirka cusub ee dalkaas u qaabilsan Soomaaliya.
Dagaalka ka socda dalka Sudan oo galay maalintii afraad
Dhawaqa rasaasta ayaa weli laga maqlayaa magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan, inkastoo ay sii kordhayaan cadaadiska lagu hayo kooxaha kasoo horjeeda, taasoo ah inay dagaalka joojiyaan.
Diblomaasiyiin Mareykan ah oo lagu weerarey dalka Sudan
Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa ku tilmaamay weerar “ka-taxadir la’aan ah” lagu qaaday kolonyo dublamaasiyadeed oo Maraykan ah oo ku sugnaa dalka Sudan, xilli uu dagaalku dhex maray ciidamada dalkaasi, iyo ciidamada jabhadda u hawl gala sida deg degga ah ee(RSF).
Ciidamada DF iyo kuwa macawiisleyda ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab kawada deegaano ka tirsan Galgaduud
Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 4aad Guutada 16aad ee kumaandooska Danab iyo Ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa maanta howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ka sameeyay tuulooyin hoos yimaado deegaanka budbud ee Gobolka Galgaduud.
Safiirka Midowga Yurub oo lagu weeraray gurigiisa Khartuum
Khartuum (Raxanreeb ) Magaalada Khartuum Caasimadda Suudaan waxaa hoygiisa lagu weeraray Safiirka Midowga Yurub ee Dalkaas Aidan O’Hara waxaana soo gaaray dhaawac fudud sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan EU-da. Diblumaasigaan u dhashay Ireland ayaa la shaqeeyay in dhaawiciisa uu yahay mid fudud oo aan halis badneed kaddib markii koox hubeysan oo loo maleyno in ay...
UK : Kate Foster oo lagu bedelay Mr. Michael Nithavrianakis
Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Ingiriiska ayaa soo magacowday danjire cusub oo u qaabilsan Soomaaliya, kaas oo beddelaya safiirkii hore Ms. Kate Foster Boqortooyada Ingiriiska ayaa si rasmi ah u magacowday Mr. Michael Nithavrianakis in uu noqdo safiirka cusub ee u qaabilsan Soomaaliya. Safiirka cusub Michael Stephen Nithavrianakis waxa uu xafiiska la wareegayaa bisha soo socota...