Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi Mudane Albert Shingiro oo booqasho ku jooga caasimadda dalka ee Muqdisho.
Day: April 24, 2023
Mucaaradka Kenya oo cayimay maalinka ay dib u billaabi doonaan dibad-baxyada
Mucaaradka dalka Kenya ayaa dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda dib u billaabi doona 2-da May, waxaa sidaas wakaaladda wararka AFP u sheegay afhayeenka hoggaamiyaha mucaaradka.
Itoobiya oo ku dhawaaqday inay wadahadal nabadeed la yeelanayso jabhadda Oromada
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa Axaddii sheegay in dowladdiisa ay wada hadal la furtay jabhadda Oromada ah ee OLA, oo ka dagaalanta gobolka Oromada, oo ah gobolka ugu weyn uguna dadka badan dalkaas.
Meydadka dadka qaar uu baadari kula taliyey iney gaajo isku dilaan oo lasoo saaray
Booliiska Kenya, ayaa ka soo saaray meydadka 47 qof meel u dhow magaalada xeebta ah ee Malindi, xilli ay baarayeen wadaad diinta faafinayay, oo la sheegay in uu u sheegay dadka raacsan inay gaajo isu dilaan.
MUQDISHO :Hub & dhar ciidan oo lagu soo saaray Hotelo ku yaalla Caasimadda
Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku soo bandhigay , dharka ciidanka Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Dowladda . Hotelo ku yaalla caasimadda ayaa lagu soo qabtay , hubkan iyo dharka ciidanka Soomaaliya halkaas oo ay howlgal ciidanka ay ka fuliyeen. Ciidanka Soomaaliya ayaa gudaha u galay dhawr meelood oo ...