Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov ayaa safar aan horay loo sii shaacin ku tagay dalka Kenya.
Month: May 2023
Chelsea oo sameeysatay Tababare cusub
Kooxda Chelsea ayaa u magacawday macallinkooda cusub tababarihii hore ee kooxaha Tottenham iyo Paris St-Germain ee Mauricio Pochettino.
DR Maxamed Bilaal ”Ujeedka safarkeena ee Baraawe waa dagaalka Al- Shabaab ”
BARAAWE (Raxanreeb ) Maanta oo Isniin ah waxa magaalada Baraawe ee Shabeellaha , hoose gaaray wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen , halkaas oo ay uga soconayaan shirar kala duwan. Shirarkan waxaa diirada lagu saarayaa , howlgalka ka dhanka ah Al- Shabaab iyo hergalinta mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin dhismaha...
Madaxweynihii hore ee Farmaajo oo taageeray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran
Madaxweynihii 9aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna xubin ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran kaas oo lagu go’aamiyay habraaca doorashada dalka.
WARCUSUB : Ciidanka Uganda oo rayidka ku laayay Sh.Hoose & tirada ay dileen.
BUULABURDE (Raxanreeb ) Ciidanka Militariga Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa gelinkii dambe ee shalay dad isku qoys ahaa ku laayay Gobolka Shabeellaha Hoose. Tani ayaa ka dambeysay, kadib markii Ciidanka Uganda ee saldhigga ku leh deegaanka Ambareeso ee duleedka Degmada Baraawe ay madaafiic ku garaaceen deegaanka Mudul...
SOOYAALKA Madaxwayne Erdogan ee markale ku guulaystay doorashada Turky-ga.
ISTABUL (Raxanreeb ) Madaxweyne Rajab Axmed Dayib Erdogan ayaa mar kale loo doortay inuu hoggaamiyo dadka iyo dalka Jamhuuriyada Turky-ga ka dib doorasho la isla aaday wareega labaad taas oo ka dhacday Turky-ga. Taariikh nololeedka Recep Erdogan ayaa si cad u muujinaysa rabitaanka awoodda. Recep Tayyip Erdogan waa siyaasi iyo siyaasi Turki ah. Raiisel wasaaraha...
Xaliimo Yarey: maxay ka tiri heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ay gaareen
Xaliimo Ismaaciil Ibraahim “Xaliimo Yarey” oo ah Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Galmudug ayaa faah-faahin ka bixisay sida uu ku dhaqan-gali karo heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran uu ka gaaray doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, kaasi oo isbeddel weyn lagu sameeyey.
Recep Tayyip Erdogan oo ku guuleystay Doorashada Madaxtinimada Wadanka Turkiga.
Istanbul (Raxanreeb ) Madaxwayne Recep Tayyip Erdoğan ayaa xilka madaxweynaha Dalka Turkiga ku guulaystay markii saddexaad ka dib markii uu helay aqlabiyadda codadkii maanta la dhiibtay. Erdogan oo laba mar oo hore ku soo guulaystay madaxweynaha Turkiga ayaa hadda doorashadan ku hoggaaminaya 52.9. Halka musharraxii la tartamayayey Kemal Kılıçdaroğlu uu helay 47.1%. Hababka hanaanka codbixinta...
Mareykanka oo sheegay inay duqeeyn la beegsadeen Shabaabkii soo weeraray saldhigga Uganda ee Buula Mareer
Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen magaalada Buulo-Mareer oo qiyaastii 120km dhanka koonfureed uga beegan Muqdisho.
Diyaaradii ugu horeysay oo uu saaray Shiinaa oo hawada sare u duushay
Diyaaradii ugu horeysay ee Shiinuhu soo saarto gudaha dalka Shiinaha ayaa duushay duulimaadkeedii ugu horeeyay ee ganacsi.









