Beledwayne (Raxanreeb ) Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in talaabo laga qaadid – doono shaqsiyaad raashiinka u gudbinaya deegaanada Al- Shabaab ay kaga sugan yihiin gobolkaas. Guddoomiye Cali Jayte ayaa ku amray gaadiidleyda ka baxa Beledweyn iyo Buulo-burde in aysan aadi jarin dhanka deegaanadaas oo dhaca jiinka wabiga Shabelle. Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in aan...
Day: May 7, 2023
Askari ATMIS oo howlgal u joogay Soomaaliya oo dil ka gaystay Kampala
Kampala (Raxareeb ) Warbahinta dalka Uganda ayaa qortay in askarigii dhawaan , Wasiirka shaqada , Shaqaalaha & Warshadaha toogtay in muudo sanad ah ka howlgalayay Soomaaliya isagoo ka mid ahaa howlgalka AMISOM , ka hor inta aan ATMIS loo bedelin Toogashada Wasiirka ayaa Talaadii todobaadkii hore ka dhacday guriga wasiirka oo ku yaala deegaanka Kyanja...
Somaliland oo toogasho ku xukuntay askari dilay taliyihiisii
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada milatariga Somaliland ayaa maanta qaaday tallaabo la xiriirta dilkii Arbacadii loo gaystay allaha u naxariistii taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal, marxuum Khadar Maxamed Caynaanshe, kaas oo caro xoogan ka dhaliyay deegaanada maamulkaas.
DFS oo shaacisay 10 oo askari oo dalka dibaddiisa tababar u jiray inay dib ugu soo celineyso Dalka
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dalka dib ugu soo celineyso toban kun oo Askari oo tababar ku soo qaatay qaar ka mid ah waddamada Soomaaliya dariska la’ah iyo kuwa ka tirsan Qaaradda Afrika, iyada oo Dowladda Imaaraadka carabta ay bixineyso dhammaan qarashaadka ku baxaya Ciidankaan.
MUQDISHO : Nin gaarigiisa ku soo qariyey Meydka wiil yar oo gacanta lagu dhigay
Muqdisho (Raxanreeb ) Taliska ciidanka – booliska ayaa gacanta ku soo bandhigay eedaysane la sheegay in gaarigiisa laga dhax helay maydka wiil da’ahaan lagu qiyaasay lix sanno. Ciidanka booliiska gobolka Banaadir ayaa eedaysanahan degmada Hodan gaar ahaan agagaarka isbitaalka Digfeer ka soo qabtay nin gaari ku watay meydka ilmaha yar. Saraakiisha ciidanka booliska ayaa lagu...
Jowhar oo looga hadlay dagaalka Al- Shabaab & wajiga howgalka labaad
Jowhar (Raxanreeb ) Deegaano ka mid ah gobolka Hiiraan waxaa ka socda dhaq dhaqaaq la xiriira howlgalka wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle. Shir looga hadlayay arrintaas ayaa lagu qabtay magaalada Beledwayne ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa guddoomiyey...
Soomaaliya oo ka qayb qaadanaya xalka dagaalka Suudaan
Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale dhinacyada ku dagaalamaya Waddanka Suudaan ugu baaqay in ay wadahadlaan kana shaqeeyaan ilaalinta xasiloonida Dalkaas. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay codkeeda ku biirineyso in dhabbaha nabadda iyo wadahadalka xoogga la saaro si looga fogaado saameynta dagaalkaas...