Muwaadiniinta Turkida ah ee qurba-joogta ah ayaa Sabtida maanta ah bilaabay in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada kala reebtada ah ee madaxtinimada Turkiga taasi oo ay ku herdamayaan Madaxweyne Reccep Tayyib Erdogan iyo hoggaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu, oo doonaya in uu soo afjaro xukunka madaxweynaha ee labaatanka sano uu dalkaasi maamulayay.
Day: May 20, 2023
NISA oo dekedda markale ku qabatay saanad ciidan oo loo waday Al-Shabaab
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa maanta markale dekedda Muqdisho ku qabatay Konteer siday agab iyo saanad ciidan oo loo waday kooxda Al-Shabaab.
Maxay tahay wadada cusub ee maanta ay jeexday DF ee bedelaysa 4.5 ?
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta ka qeyb-galay munaasabadda shaacinta natiijada saddexdii kun ee macallin dowladdu qaadatay ayaa shaaciyay in la jeexay waddo cusub.
Deni: “Ururrada 7da ah ee loolanka adag nagula jiro waa horumar”.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Olole xooggan kawada deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedkaas ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan uu ka qabo in Dadka codeynaya ay markale ugu codeeyaan in uu Madaxweyne noqdo.
Duqeymo culus oo ka dhacay Laascaanood
Faah faahino kasoo baxaya gobolka Sool ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta maadaafiic xoogan lagu garaacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi.