Xoghayaha Amniga gudaha ee Maraykanka Alejandro Mayorkas ayaa arbacadii ballanqaaday in "inta badan" kumanaanka muhaajiriinta ah ee doonaya inay maalmaha soo socda ka soo galaan xuduudda Maraykanku la wadaago Mexico, inay kala eryi doonaan.
Day: May 11, 2023
Laba ilmo oo umusha ku jiray ayaa la helay kadib markii ay 3 maalmood ka hor daadad qaadeen
Dadka jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee koongo ayaa ‘mucjiso’ la kulmay ka dib markii ay biyaha harada Kivu ka dhex heleen laba ilmo oo dul heehaabaya, maalmo ka dib markii in ka badan 400 oo qof ay halkaas daadad ku dileen.
Nin lagu qabtay madaxa iyo xubinka taranka qof lab ah lagasoo jaray oo la xiray
Nin ayaa lagu xiray gobolka Sofala ee dalka Mozambique ka dib markii lagu eedeeyay haysashada madaxa iyo xubinka taranka oo lagasoo jaray nin kale, sida ay boolisku sheegeen.
Cali Guudlaawe oo kulan la yeeshay Hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midboobe
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta magaalada Baladweyne kulan kula yeeshay Wakiillada Qaramada Midoobay u qaabilsan FOA, WFP, UN-OCHA, UNSOS iyo UNSOM ee Jooga deegaankaasi.
Abdalle kadib caana -mala cabay ? Jahwareerka saxaafadda Soomaaliya
Muqdisho (Raxanreeb ) Kiisas badan oo ku saabsann tacadi loo gaystay saxaafadda Soomaaliyeed ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaas la hor istaagay in laga – hadlo. Weriyayaasha qaar inta la jirday , shaqada laga joojiyay ayaa inta warbaahintooda ay baahisay dhibkii ku dhacay hadana muuqalkii sheekooyinkooda ku saabsanaa laga saaray warbaahintooda. Falalkan waxaa ku lug...
Axmed Karaash ‘’ Xamse aamusnaanto ayuu ku qurux badan- yahay ‘’
Garoowe ( Raxanreeb ) Ka dib – hadalkii Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ee kaga hadlay doorashooyinka Puntland , iyo dagaalka Laascanood waxaa soo baxaya hadalo jawaab u ah warka Xamse Cabdi Barre Qoraal bartiisa Facebook ku daabacay , Madaxwayne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Karaash ayuu ku weeraray Ra’iisulwasaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre. Karaash ayaa qoraalkiisa waxaa...
Lacagta biyo xireen oo la musuqay & saamaynta fatahaadaha Beledwayne
Beledwayne (Raxanreeb ) Magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan waxaa ka jira barakac xooggan oo ay samaynayaan dadka ku nool , xaafadaha magaalada Beledwayne. Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka helayno magaalada Beledwayne ayaa sheegaya in qoysas badan uu saameyn ku yeeshay fataahadaha ka jira magaalada kaas oo xaafado hor leh gaaray. Qoysaska ugu badan ee...
Hoobiyaal lagu garaacay Xarardheere & rayid waxyeelo soo gaartay
Xarardheere (Raxanreeb ) RBC wararka uu ka helayo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas kooxda Al- Shabaab ay ku qaadeen weerar hoobiyaal ah. Kooxda ayaa bartilmaameed ka dhigtay , fariisimo ciidanka maamulka Galmudug iyo kuwa Dowladda ay ku lahaayeen hareeraha degmada Xarardheere oo kol hore laga saaray Al- Shabaab. Dad ku sugan...