Buur hakaba (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray Garoon Diyaaradeed cusub oo ay shacabka degmada Buur Hakaba si isku-tashi ah u dhiseen.
Tallabadan ayaa noqotay tallaabo taariikhi ah oo lagu dhiirrigelinayo horumarka iyo midnimada bulshada.
Munaasabadda xarig-jarka ayaa Madaxweynaha waxaa kala qeybgalay mas’uuliyiin heer qaran iyo heer gobol ah, madax dhaqameedyo, culimo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Buur Hakaba .
Madaxweyne Laftagareen, ayaa ku ammaanay shacabka iyo Maamulka Degmada Buur Hakaba dadaalka iyo iskaashiga ay muujiyeen, isagoo sheegay in dhismaha garoonkan uu caddeyn u yahay in shacabka Soomaaliyeed ay awood u leeyihiin in ay hormar sameeyaan marka ay isku duubni iyo dadaal wadanimo muujiyaan.


Leave a Reply