Xukuumadda Soomaaliya oo si adag u beenisay in heshiis qarsoodi ah la gashay Swedan

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u beenisay warar dhowaan lagu baahiyay warbaahinta, kaasii oo ahaa in heshiis qarsoodi ah kuna saabsan Kaalmada horumarineeda iyo soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ay la gashay dowladda dalka Swedan.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in sheegashooyinkaasi ay yihiin kuwa been ah oo marin habaabin ah, isla markaana aan sal iyo raad midna laheyn.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada galeen “heshiis qarsoodi ah” oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Swedan uu yahay mid soo jireen ah oo hufan kuna dhisan ixtiraam iyo ilaalinta shuruucda caalamiga ah.

“Dhammaan wadashaqeynta iyo wada-xaajoodka waxaa lagu fuliyaa heer diblumaasiyadeed oo daah-furan, iyada oo lagu hubinayo kormeerka golaha wasiirrada iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowliga” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sikastaba, dhowaan ayaa warbaahinta dalka Swedan, waxa ay baahiyeen in xukuumadda Soomaaliya ay heshiis ay ku heleyso malaayiin dollar ay la gashay dowladda Swedan, taasi oo ku saleeysan si Soomaalida dib loogu soo celiyo dalkooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.